Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo Dalka Dib Ugu Soo Laabtay iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Oo Ka War-bixiyey Arrimaha Ay Ka Wada-hadleen Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey oo safar shaqo ugu maqnaa waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

57839873_2131795136934328_18396516853544 58441589_2131795126934329_88765917903506 58384119_2131794900267685_52277128684550 58374539_2131798433600665_31587561819969 58373677_2131795523600956_20251544538998 57352898_2131798146934027_61347697647712

Madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayo oo safar maalmo qaatay dalka kaga maqnaa, ayaa waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka ah, maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo agaasimeyaal guud.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiinta Imaaraadka carabtu ka wada-hadleen muddadii ay safarka shaqo halkaas ugu maqnaayeen, isaga oo hoosta ka xarriiqay in si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aad looga wada-hadlay is-kaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wada-hadalkaasi ku saabsanaa.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland, “Arrinta nabadgelyada waxa wehelinayey arrimo kale oo muhiim ah oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, waxana kamid ahaa in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka carabtu ay si wada-jir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa xoolaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqoto’e, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qodobbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland baankeeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaqaalihiisa qayb weyn buu ka yahay baanku, Baanka, ayaana dalka maaliyaddiisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), waxa uu intaas ku daray inay Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isla garteen in Madaarka Berbera ee ay dib-u-dhiska ku waddo dawladda Imaaraadku ay diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiguba isticmaali doonaan, waxana uu yidhi, “Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaalaha la xidhiidha ee laga wada-hadlay waxa kamid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.” halkan hoose ka DAAWO

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this