Sign in to follow this  
Deeq A.

Qarax xooggan oo ka dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Qarax khasaaro geystay ayaa maanta waxaa uu ka dhacay deegaanka Tareedisho ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrrika ee AMISOM.

Dadka Deegaanka ayaa sheegay in Kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM  qaraxa Miino lala eegtay xilli ay ku safrayeen inta u dhaxeysa deegaanada Weydoow iyo Tareedisho,waxaana jira khasaaro ka dhashay qaraxaasi.

Qaraxa kadib Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in rasaas badan ay fureen, iyadoona la tilmaamay in waxyeelo ay ka soo gaartay dadka Shacabka ah.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxan maanta ka dhacay deegaanka Weydoow ee duleedka Muqdisho,kaasi oo lala eegtay kolonyo ka tirsan Ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this