Sign in to follow this  
Deeq A.

130 qof oo ku dhimatay qaraxyo qasaare geeystay oo ka dhacay dalka Sri Lanka

Recommended Posts

Deeq A.   

6 qarax oo is xig xiga ayaa lagu Weeraray Sadax Kaniisad iyo Sadax Hoteel oo ku yaala Caasimada Dalka Sri Lanka ee Colombo.

xiliga weerarka uu dhacayay ayaa waxaa socotay Dabaaldaga Ciida Masiixiga ee loo yaqaano Easter.

3 Qarax ee hore ayaa waxaa lagu weeraray Kansiido ku yaala Degmooyinka lagu magacabao Koch chikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa,Halka Sadaxda Qarax ee kalana lagu qaaday Hoteelada lagu kala magacaabo Shangri La, Cinnamon Grand iyo Kingsbury oo dhammaantood ku yaala Magaalada Colombo.

Sida ay sheegeen Laamaha Amniga Dalka Sri Lanka waxaa la rumeysanyahay in Qaraxyadaasi ay ku geeriyoodeen 129 Qof Halka 300 oo kalana ay ku dhaawcameen.

Gawaarida gurmadka deg deg ah ee Amplsta ayaa soo daabulaya dhawacmayada dadka ku wax yeeloobay Qaraxyadaasi.

Masuul u hadlay Isbitaalka Qaranka ee Dalka Sri Lanka ayaa saxaafada u sheegay in isbitaalka la soo gaarsiiyay 80 Qof oo qaba dhaawacyo kala duwan.

Waxaa la rumeysanyhay in qasaaraha dhimashada iyo dhaawaca intaan ay ka badan karan maadama weli dhismayaasha qaar laga baadi goobayo meydkadka dad hor leh oo la la’yahay.

Wakaalada Wararka AFP ayaa sheegayasa in Dalxiisayaal u dhashay Wadamada caalamka la rumeysanyahay in ay qeyb ka yihiin Dadka ku geeriyooday Qaraxyadaasi.

Majirto cid sheegatay masuuliyada qaraxayadan 6 ah ee lagu qaaday Dalka Sri lanka man jiro wax war ah oo weli ka soo baxay Dowlada Sri lanka oo ay kaga hadshay Qarxyadan maanta dhacay.

FB_IMG_1555837095566-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1555837097990-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1555837103124-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1555837105230-1.jpg?w=1000&ssl=1 FB_IMG_1555837107667.jpg?w=1000&ssl=1

Puntland Post

The post 130 qof oo ku dhimatay qaraxyo qasaare geeystay oo ka dhacay dalka Sri Lanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this