Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Biixi Oo Maanta Dalka Ku Soo Laabanaya Iyo Xog Laga Helay Muuse Biixi Iyo Siciid Deni

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa inuu maanta ku soo laabto magaalada Hargeysa, ka dib socdaal qaatay saddex habeen oo uu ku tagay dalka UAE.

00-1.png

Ma jiro wax war ah oo laga hayo ujeedada socdaalka Madaxweyne Biixi iyo weliba masuuliyiinta uu la kulmay, laakiin warar uu Geeska Afrika helay ayaa xaqiijiyay inaanu jirin war la isla dhex marayo oo sheegaya inay dalka UAE ku kulmeen Madaxweyne Biixi iyo Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Deni, “Ma jiro kulan dhex maray Madaxweyne Biixi iyo madaxweynaha Puntland.” Sidaas waxa Geeska Afrika u sheegay ilo xogogaala.

Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay inay isku gaadheen dalka UAE, laakiin lama oga in socdaalkoodu ahaa qorshe ay dawladda UAE doonaysay inay ku kulansiiso labada masuul iyo in kale.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this