Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa In 26 June Laga Dhiga Maalinta Qaran….” Prof Axmed Ismaaciil Samatar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in loo baahan yahay in la kala saaro xusaska 18 May iyo 26 Juun, waxaanu sheegay in ay maalinta Qaranku ay tahay 26 Juun, isla markaana loo baahan yahay in la weyneeyo xuskeeda, isaga oo carrabka ku dhuftay in haddii xuska 26 Juun la weyneeyo uu dalku is raacayo Bari ilaa Galbeed.

Samat.jpg

Prof Axmed Ismaaciil waxa kale oo uu sheegay in 18 May ay tahay maalin qiimo badan taasi oo ay dad badani ay dalka usoo dhinteen ,isla markaana ay lagama maar-maan tahay in meel la dhigo oo la xuso, balse waxa uu sheegay in Somaliland Xorriyaddeeda ka qaadatay Ingiriiska ee 26 June 1960 ay tahay maalinta mudan in laga dhigo maalinta Qaran.

Prof Samatar ayaa sidaasi ka sheegay Hadhimo sharafeed magaalada Burco ay ugu sameeyeen Guddida Beesha West Burco Clan waxaanu yidhi “Waxa aan ku dooday Muddo hadda laga joogo ilaa afar sanadood iyada oo laga hadal 18-kii May iyo 26-kii Juun waa la isku qalday ,18 May waa maalin weyn dad badani u dhinteen in la xuso oo meel weyn la dhigo waa lagama maar-maan, laakiin annigu waxaan imika idiin sheegayaa idinka oo raali ah odayaashiina waa weyn ee aadka u culus 18 May inama khaarajinayso weligeedba gidaarada ha lagu dhedhejiyo, 26 juun weeye maalintii aynu lasoo noqonay Qaranimadeena in la kala cadeeyo weeye oo la yidhaah-do dee wax Somaliland la yidhaah-do ma jiri-jirin ee waxay dhalatay 18 May 1991, iyadoo dee hadalka la sheegayo ee la leeyahay waxaan lasoo noqonay Qaran-nimadeenii , 26 in la calaamadiyo oo ay noqoto maalin qaran , haddii 26 Juun maalin qaran laga dhigo anniga waxay ila tahay , wax badan ayaa israaci Bari iyo Galbeed iyo inta dhexe oo iminka soo anba baraysa oo arkaysa qiimaha 26 Juun ay leedahay , ayaa wax badan daweyn doonta wada jirka wadanka jacaylka soo celinaysa .”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this