Sign in to follow this  
Deeq A.

DFS Oo Ilowday Agoontii Xoogga Dalka (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda federaalka ayaa u muuqata mid aan weli waxbo ka qaban cabashada ay soo jeediyeen agoonta ciidanka xoogga dalka oo muddo Afar bil ah aan wax gunno ah ka helin dowladda.

Qaar ka mid ah hooyooyinka carruurta agoonta ah ee ay ka tageen askartii xoogga dalka ee dagaallada Al-shabaab kula jiraan ku dhintay ayaa u sheegay Goobjoog News, in caruurtooda aanay u hayn cunto, hoy iyo waxbarasho.

Waxay sheegeen in mar hore la diiwaangeliyey, xitaa loo sameeyey xiisaabaad  (Accounts) lacago loogu soo diro, balse aanay jirin wax ay arkeen muddo Afar bil ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayeey ka dalbadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan ay wax uga qabtaan cabashadooda.

Halkaan hoose ka dhageyso:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/04/Agoonta-Xoogga-Dalka-Ayaa-ka-dalbaday-Raisal-wasaaraha-in-loo-fasaxo-Gunooyi.mp3

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this