Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid kamid ah taliyaasha ciidamada Somaliland oo Yubbe lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka saaka ka imaanaya degmada Yubbe ee gobolka Sanaag ayaa sheegaya in shalay galab halkaasi lagu dilay taliye urur oo ka tirsan ciidamada Somaliland ee degmadaasi.

Taliyaha oo magaciisa lagu koobay G/dhexe Nayjeeri ayaa sida la xaqiijiyay waxaa dilay askari ka tirsan ciidankiisa oo muran soo kala dhex galay inkastoo aan faahfaahin laga hayn waxa ay ku murmeen.

Askariga oo isku dayay in uu goobta ka baxsado ayaa isna waxaa halkaasi ku toogtay ciidamada kadib rasaas mudda socotay oo ay is weydaarsadeen isaga iyo ciidamadii ceyrsaday.

Faahfaahinta Puntland Post

The post Mid kamid ah taliyaasha ciidamada Somaliland oo Yubbe lagu dilay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this