Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar ka fuliyay gobolka Sh/ Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka (SMN) – Dagaalamayaasha Al Shabaab ayaa xalay weeraray Abaaro 9:30 Fiidnimo deegaanka Golweyn oo dhinaca bari ka xiga M/Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka kadib ayaa waxaa lagu soo warramayaa in dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeya Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al Shabaab uu ka dhacay deegaankaasi.

Lama Oga Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Dagaalkaasi oo u dhexeeya Ciidamada DFS iyo Al Shabaab.

Guddoomiyaha maamulka deegaanka Golweyn ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Sheekh Cismaan Islow oo aan qadka Taleefanka kula xiriirnay ayaa tilmaamay in Al Shbaaab ay weerar ku soo qaadeen , hayeeshee ay iska caabiyeen islamarkaana xaaladdu haatan tahay mid degan isagoo meesha ka saaray in ay jiraan wax khasaaro ah oo ka dhashay dagaalkaasi sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana Guddoomiyuhu sheegay in weerarka ay ka soo qaadeen Al Shabaab dhinaca Beer Cali Shuut oo ah dhul beereed illaa 1 KM u jira deegaankaasi Golweyn.

Dhinacooda Al Shabaab ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen weerarkaasi balse weerarkaan ayaa imaanaya xilli dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda ay Ciidamada DFS iyo Al Shabaab intuba ka wadaan Gobolka Shabeelaha Hoose.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this