Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo baaritaan ku heyso hub lagu qabtay Dhuusomareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (SMN) – Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa baaritaano dheeraad ah ku haya gaari lagu soo dhex qariyay hub oo shalay lagau qabtay duleedka magaalada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi.

Gaariga oo ahaa nuuca xamuulka ayaa la sheegay in alaab uu siday la soo dhex galiyay hubkaasi.

Saraakiisha Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay tilmaameen in weli ay baaritaan ku hayaan gaarigaasi, iyagoona gacanta lagu dhigay shaqsiyaadkii la socday.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/caligaab-gaari-xamuul.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this