Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaallo Xooggan Oo Wali Ka Socda Magaalada Tripoli Ee Dalka Liibiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tripoli)-Dagaal culus ayaa ka qarxay koofurta magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya ka dib markii xukuumadda ay Qaramada Midoobey taageerto ay ku dhawaaqday weerar rogaal celis ah oo ka dhan ah ciidamada uu hoggaamiyo janaraal Khalifa Xaftar ee duulaanka ku soo qadaay Tripoli.

Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo maalmihii la soo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo kooban sameynayeen dhinacyada isku haya gacan ku haynta magaaladaasi Tripoli, waxaana muddada labada usbuuc ah ee ay dagaalada socdeen waxaa ku dhintay qiyaastii 220 qof.

106534584_bfdacb14-92d9-4494-810b-c88ad4

Ciidamada daacadda u ah janaraal Khalifa Xaftar ayaa billoowgii bishan weeraray xooggan waxa ay ku soo qaadeen magaalada Tripoli oo ay doonayeen in ay maamulkeeda gacanta ku dhigaan.

Maalmo ka hor ayaa rai’salwasaaraha dowladda ay Qaramada Midoobay taageerto ee Liibiya ayaa cambaareyn adag dusha uga tuuray beesha caalamka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this