Sign in to follow this  
Deeq A.

Askar ka tirsan Ciidamada DF oo ku geeriyootay qaraxyo Al Shabaab ka fuliyeen Shabeelaha Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose, qaraxyadaasi oo lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Qaraxa Koowaad ayaa ka dhacay deegaanka Sabiib ee gobolka Shabeelaha Hoose halkaasi oo dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen, waxaana ciidamada qaraxa lala eegtay xilli ciidamadu ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo howlgallo ay ku baadi goobayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Wararka ka imaanaya deegaanka Sabiib ayaa sheegaya in qaraxa ka dhacay ay ku geeriyoodeen ku dhawaad lix askari oo ciidamada kamid ahaa, halka kuwo kalana ay dhaawacyo kasoo gaareen.

Qaraxa ka dhacay Sabiib ayaa la sheegay inuu haleelay gaari dagaal oo ciidamada ay la socdeen, waxaana askarta dhaawacantay la sheegay in loosoo qaaday magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah ayaa waxaa lala eegtay Gaari nooca booyada ah kaas oo la sheegay in uu shidaal u siday Ciidamada Bangaraafta ee Mareykanka uu tababaray,kuwaas oo ku sugan Saldhiga ay lu leeyihiin Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle ee gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxaasi uu sababay dhimashada labo askari iyo dhaawaca labo kale, waxaana burburay Booyada uu qaraxa haleelay, sida ilo xog ogaal ah ay xaqiijiyeen.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaanan wali ka hadlin qaraxyada lagula eegtay Shabeelaha Hoose, waxaana masuuliyadda qaraxyada sheegtay Al Shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this