Deeq A. Posted April 20, 2019 Afgooye (SMN) – Ciidamada milatariga Soomaaliya ayaa maanta la wareegay gacan ku heynta deegaano hor leh oo ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada oo qaaday howlgal qorsheysan ayaa waxa ay kula wareegeen deegaanada Baladul-Amiin iyo Cumar Beere oo ka wada tirsan gobolkaasi. Dagaalyahannada Al Shabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen halkaasi, kadib markii ay ku dhawaadeen Ciidanka milatariga dowladda federaalka Soomaliya. Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo gobolka Shabeelaha Hoose. Muddooyinkii dambe Ciidamada Xoogga Dalka ayaa weeraro ka dhan ah Al Shabaab ka waday deegaano iyo degmooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites