Sign in to follow this  
Deeq A.

“Waa Ayaan Darro Inuu Madaxweyne Muuse Biixi Yidhaahdo Reer Hargeysoow Tashada Biyo Ma Jiraane…” Xildhibaan Siciid Gaane

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ayaan daro ku tilmaamay iyadoo biyo balaadhinta Caasimadda lagu bixiyey 250 milyan inuu haddana Madaxweynuhu saluug ka muujiyo Biyaha Caasimadda, waxaanu tilmaamay in Madaxweynaha laga sugaayo inuu qanciyo Wadamada lacagta ku bixiya biyo balaadhinta, iyo inuu la yimaado Siyaasad wanaagsan iyo Qorshe Qaran.

Muuse-Biixi-1-1.jpg

Xildhibaan Siciid Warsame Ismaaciil (Siciid Gaane), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo Somalilandtoday ka soo xigatay ayaa sidoo kale ka hadlay musuq-maasuqa iyo ilaalinta hantida umadda, waxaanu ugu horeyn yidhi “Madaxweynuhu wuxuu sheegay in aanay biyo jirin, oo Hargeysa aan biyo laga sugin, waxaa ku jira Geed-deeble, lacagta lagu bixiyey biyo balaadhinta Hargeysana 250 milyan bay maraysaa, haddana waa ayaan daro inuu Madaxweynuhu afkiisa ka yidhaahdo reer Hargaysoow tashada Biyo ma jiraane, iyadoo 250 milyan lagu bixiyey biyo balaadhinta Caasimadda, Madaxweynaha lagama sugayan inuu yidhaahdo tashada reer Hargeysoow, ee waxaa laga sugaayey inuu Qorshe qaran iyo Siyaasad wanaagsan uu keeno,Caalamkii 250 milyan galiyey biyo balaadhinta Hargeysana wixii lagu qancinayey Madaxweynaha ayaanu ka sugaynaa,dadka wada yaala Hargeysana sida uu Biyaha ugu xaqsoori lahaana isaga ayaanu ka sugaynaa”

Mar uu ka hadlaayey musuqa ayaa yidhi“Aad iyo aad baan ugu hambalyeynayaa Xeer ilaaliyaha qaabka uu wax u wado, dambi baa dhacay, ee dambiga cidda sameeysay in la daba galo ayeynu u baahan nahay, Xeer ilaaliyuhuna cid kasta oo dambi lagu soo oogo ama gasha inuu sheego oo uu daba galo xaq buu u leeyahay, cid kasta oo musuqa gasha xitta haddii uu Madaxweynuhu xasaanad ka qaado in laga hadho maaha, waana inay Xeer ilaalinta iyo Hanti-dhawrku hawshooda sii wataan, haddii aanay taasi dhici weydana waxay sharci noqonaysa inay Xukuumadda Muuse Biixi ay xalaalayso musuqa iyo boobka hantida umadda, adduunkana lama arag Dawlad iyadu wadankeenda xalaal ka dhigta musuqa, marka ay sidaas noqotana Madaxweynaha ayaa musuq-maasuq ku eedaysan, markaas in musuq-maasuqa lala dagaalamo oo laga hor tago ayaa loo baahan yahay, ee anigu waxaan odhan lahaa Madaxweyne wax wanaagsan baad sameeysay madaama aad xilkii ka qaaday cidii lagu eedayey musuq-maasuq ee laba mid bay ku taagan tahay inuu dalkan musuq dartii u burburo, oo sidaas musuqu xalaal ku noqdo, oo raggaas laga hadho, ama Sharciga ha la ilaaliyo, oo cid kasta oo dambi musuq gashay sharciga ha la soo taago, cidda isku dayday inay damiinato Wasiiraddii xanaada laga qaaday ee musuqa lagu eeddayey dambi bay gashay waa inuu dambigooda lagu ooga, Maxkamad iyo cid kale oo damaanad ku sii dayan kartaa midna ma jiro’.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this