Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynihii Hore Ee Suudaan Oo Gurigiisa Laga Helay Malaayiin Doollar

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Khartoum)-Baadhitaan lagu sameeyay guriga uu ka degenaa magaalada Khartoum madaxweynihii hore ee dalka Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir ayaa laga helay lacago isugu jira dollar iyo Yuro.

sudan.jpg

Dacwad oogaha dalka Suudaan ayaa sheegay in eedaha loo haysto Cumar Al-Bashiir ay ka mid yihiin inuu si sharci-darra ah lacago isugu kala gudiyay iyo weliba inuu haysto lacago badan oo qalaad.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in guddiga la dagaalama musuqmaasuqa ee uu sameeyay golaha millateriga dalka Sudan in ciidammada ammaanku ay soo heleen lacago Euros, doolar iyo pound-ka Suudaan isugu jira oo wadartoodu ay ka badan tahay 130 milyan oo doolar.

Taliska milateriga Suudaan ayaa 11 bisha Abriil shaaciyay in xilkii laga qaaday isla markaana meel ammaan ah lagu xidhay madaxweynihii Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir.

Hase yeeshee dhowr maalmood kadib ayaa loo taxaabay Al-Bashir xabsi si xoog ah loo ilaaliyo kaasoo uu hore ugu xidhi jirey dadka ka soo horjeeda siyaasadiisa.

Cumar Al-Bashiir ayaa xukumayay dalka Suudaan ku dhawaad 30 sano isagoo xilkaas qabtay isagoo horkacayay ciidamo afgambiyay dowladii ka jirtey dalkaas Suudaan.

Wararka kale ee ka imanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in hogaamiyaasha kooxaha banaanbaxyada ka wada dalkaas ay qorsheynayaan inay berri oo Axad ay ku dhowaaqaan dowlad rayid ah.

Dadka banaanbaxaya oo gaadhaya kumanaan ruux ayaa waxa ay dalbanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this