Sign in to follow this  
Deeq A.

Hub lagu dhex gariyay gaari Xamuul oo gacanta lagu dhigay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya gaari la sheegay inuu ahaa kuwa xamuulka qaada oo lagu qabtay magaalada Dhuusomareeb, kaasi oo hub lag dhex qariyay.

Ciidamada amaanka ee maamulka Galmudug ayaa gacanta ku dhigay gaarigaasi oo marayay magaalada, xili uu doonayay inuu kasii gudbaa magaalada Dhuusomareeb sida masuuliyiinta ay sheegeen.

Masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay in sidoo kale laamaha amaanka ay gacanta ku dhigeen shaqsiyaad gaariga hubka lagu dhex qariyay la socday.

Sidoo kale masuuliyiinta maamulka Galmudug ayaa sheegay in xubnaha la qabtay ay ku xiran yihiin saldhiga magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, waxaana socda baaritaanka shaqsiyaadkaasi ku socda.

Galmudug ayaa ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso hubkaan, tiradiisa, nooca uu yahay, halka loo waday iyo halka uu ka yimid, waxaana ay sheegtay in ay socdaan baaritaano xubnaha waday gaariga hubka lagu dhex arkay.

Galmudug ayaa dhawaan magaalada Dhuusomareeb ku qabatay gaari xamuul ahaa oo hub badan la sheegay inuu u waday Al Shabaab, waxaana wali jirin faahfaahin ay Galmudug ay ka bixisay gaarigaasi iyo halka uu ku dambeeyay.

Ahlu sunna ayaa horey marar badan u qabatay gaadiid hub u waday Al Shabaab, waxaana hadda markii labaad Galmudug sidaasi oo kale ay sheegtay in Dhuusomareeb lagu qabtay gaari hubka lagu qariyay.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this