Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad xoogan oo ka taagan waqooyiga G/ Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Caabudwaaq (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa ku warramaya in maanta xiisad dagaal ay ka taagan tahay waqooyiga gobolkaasi.

Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxa ay u dhexesaa laba meleeshiyo Beeleed oo ku wada sugan deegaanka Balicad ee gobolka Galgaduud.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay cabsi ka muujinayaan in markale dagaal uu ka qarxo halkaasi.

Shalay ayey aheyd markii maleeshiyaadkan uu iska horimaad ku dhexmaray deegaano dhaca waqooyiga gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Warbixinta.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/warka-xiisada-bali-cad.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this