Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubno ka tirsan HirShabelle oo gaaray Baladweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Baladweyne (SMN) – Wafdi isugu jira Xildhibaano iyo Saraakiil ka tirsan HirShabelle ayaa maanta lagu soo dhaweeyay M/Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Waxaa xubnaha wafdigani horkacaya guddoomiye ku xigeenka cusub ee dhanka siyaasadda iyo maaliyadda ee gobolkaasi Xasan Ibraahim Cabdulle.

Ugu horreyn waxaa Warbaahinta si wadajir ah ula hadlay xubno ka tirsan mamulka Baladweyne iyo kan G/Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kuwaas oo sheegay in guddoomiye ku xigeenkau uu wax ka bedali karo xaaladaha adag ee ka jira gobolkaasi.

Dhinaca kale Xasan Ibraahim Cabdulle guddoomiye ku xigeenka cusub ee dhanka siyaadda iyo maaliyadda gobolka Hiiraan oo madasha ka hadlay ayaa tilmaamay in xaalado daran ay haatan ka jiraan deegaanada Hirshabelle, loona baahan yahay in si deg-dega ah wax looga qabto dhibaatooyinkaasi.

Waasaradda arrimaha gudaha HirShabelle ayaa dhawaan is bedal ku sameysay xubno ka tirsan maamulka gobolka Hiiraan ee uu guddoomiyaha u yahay Yuusuf Dabageed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this