Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyihii Hore ee Golaha Wakiillada Puntland Oo Geeriyoodey, Madaxda Oo Ka Tacsiyeysay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa maanta magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ku geeriyooday Cabdirashiid Maxamuud Xirsi oo ahaa guddomiyihii hore baarlamaanka dowlad goboleedka Puntland.

Allah u naxariistee, Cabdi rashiid ayaa xilka kala duwan ka soo qabtay Puntland isaga oo golaha wakiillada ku jira 15 sano, 5 sano uu hoggaamiyey, xildhibaan ahaa, guddoomiye iyo wasiir

Barlamaanka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo soo noqday guddoomiyihihii barlamaanka Puntland 2009/2014, kaasoo saakay ku geeriyooday magaalada Garowe

Sidoo kale waxa uu soo noqday wasiirka howlaha guud iyo Kaluumeysiga intii udhaxaysay 2014 ilaa 2018, waxaa kale geerida ka tacsiyeysay maamulka sare ee Puntland.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this