Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo Oo la kulmay ardayda Jaamacadaha dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga ardayda Jaamacadaha Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah.

Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ardayda in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalkooda.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ka dowladdiisu ay garab taagan doonaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee ka socday ardayda Jaamacadaha dalka ayaa ka hadlay dareenkooda iyo kulanka gaarka ee ay la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaraan oo lagu garab siinayo dhalinyarada, gaar ahaan ardayda, si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this