Deeq A. Posted April 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay guddiga ardayda Jaamacadaha Soomaaliyeed, isaga oo kala hadlay arrimo dhowr ah. Ugu horreyn Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay ardayda in ay u istaagaan ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo horumarka dalkooda. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in ka dowladdiisu ay garab taagan doonaan dhammaan ardayda Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha iyo dibadda. Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha guddiga ee ka socday ardayda Jaamacadaha dalka ayaa ka hadlay dareenkooda iyo kulanka gaarka ee ay la qaateen madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya. Dowladda federaalka ayaa wada qorshe ballaraan oo lagu garab siinayo dhalinyarada, gaar ahaan ardayda, si ay u helaan adeegyada ay u baahan yihiin. View the full article Share this post Link to post Share on other sites