Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo ka horymid shirka Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qaar ka mid ah shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa si xoogan uga horyimid shir gaar ah oo lagu wado in madaxda dowlad goboleedyada saacadaha soo socda uu uga furmo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Dadweynahan oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in xilligan aysan habooneyn is xulafeysi keeni kara khilaaf hor leh.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweyneyaasha Jubbaland, Galmudug iyo Puntland.

Dhanka kale Madaxda maamul goboleedyada ayaa shirka Nairobi ku sheegay in uu yahay mid ay kula kulmayan xubnaha deeq bixiyaasha beesha caalamka.

Balse warar hoose ayaa sheegaya in shirkan uu yahay mid siyaasadeed oo ay uga hadlayaan danahooda gaarka ah iyo xaaladda Soomaaliya.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/VOXPOP-1.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this