Deeq A. Posted April 20, 2019 Muqdisho (SMN) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) oo ka hadlayay howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ayaa sheegay in Ciidamo dheeraad ah ay dowladdu geyn doonto gobolka Shabeelah Hoose ee K/ Galbeed Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in dowladdiisu ay ka go’an tahay la dagaalanka Al Shabaab oo weli ku xoogan gudaha Soomaaliya. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamada Xoogga Dalka guulaha ay ka gaareen dagaalladii ugu dambeeyay ee ay la galeen Al Shabaab. Hadalkan ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ka jeediyay G/ Shabeelaha Hoose, kadib markii shalay uu booqday deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/04/cod-madaxweynaha-.mp3 View the full article Share this post Link to post Share on other sites