Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal xoogan oo ka dhacay gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Garbahaarey (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka so baxaya dagaal xoogan oo xalay Ciidamada dowladda iyo Al Shabaab ku dhex maray magaalada Garbahaarey ee xarunta  gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa bilowday, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar qorsheysnaa ku soo qaadeen fariisimo Ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkani oo la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Ciidamada Ethoipia ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ay dhowr madfac ku tuureen agagaarka degmadaasi .

Xaaladda ayaa saaka dagan, balse Ciidamada dowladda ayaa baaritano ka bilaabay qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this