Sign in to follow this  
Deeq A.

Howlgallo qorsheysan oo laga sameeyay Maxaas

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxaas (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Ciidamada ammaanka xalay howlgal ballaaran ay ka sameeyeen degmada Maxaas ee gobolkaasi.

Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu soo waramayaa in lagu soo qab qabtay tiro dad ah oo badan dhalinyaro, sida ay xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Ujeedka baaritaanadaan ayey sarakiisha Ciidamadu ku sheegeen in uu qeyb ka yahay sugida amniga degmadaasi.

Shalay ayey aheyd markii qarax miino lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Maxaas iyo qaar ka mid ahaa ilaaladiisa, kaasi oo ka dhacay gudaha degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this