Sign in to follow this  
Deeq A.

Boqorka Sacuudiga Oo Martiqaad U Soo Diray Madaxweyneyaasha Dalalka Soomaaliya Iyo Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Boqorka dalka Sacuudiga Salman bin Abdulaziz ayaa martiqaad soo gaadhsiiyay madaxda dowladdaha Soomaaliya iyo Jabuuti, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ismaaciil Cumar Geelle.

2019420636913165530651018custodian_of_th

Martiqaadka Boqorka Sacudiga ayaa la xidhiidha ka qeybgalka shirweyne u dhaxeeya Afrika iyo Sacuudiga, kaasoo lagaga hadlayo iskaashiga iyo wax wada qabsiga.
Shirkan ayaa Magaalada Riyaad Bisha Ramadaan la filayaa in uu ka qabsoomo, Boqorka ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid muhiim ah oo sare loogu qaadaayo xidhiidhka ka dhaxeeya dalalka Carabta ee ku yaalla Afrika, si ay qeyb kaga noqday dadaallada dowladda Sacuudiga ay ugu jirto horumarinta dalalka Carabta.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho soo gaadhay Wasiir dowlaha Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika Ahmed Abdul Aziz Kattan oo madaxweyne Farmaajo soo gaadhsiiyay martiqaad uu ka siday Boqorka Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this