Sign in to follow this  
Deeq A.

“Baddi Deegaannada Soomaaliya Waxay Ahaan Doonaan Kuwo Qalallan Saddexda Maalmood Ee Soo Socda, Marka Laga Reebo Geyiga Somaliland” Hay’adda Caalamiga Ah Ee FAO

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) ayaa shaaca ka qaaday in toddobaadka soo socda ay deegaamada Somaliland heli doonaan Roobab badan.

Capture-2.jpg

Sida lagu sheegay qoraal hay’addani soo saartay Jimcahii shalay oo la xidhiidha saadaasha roobabka ee toddobada maalmood soo socda ayaa lagu yidhi;

“Baddi Deegaamada Soomaaliya waxay ahaan doonaan kuwo qalallan saddexda maalmood ee soo socda, marka laga reebo geyiga Somaliland iyo meelo kale oo roobab koobkooban ka da’i doonaan..

Qoraalka FAO ayaa la raaciyey, saadaasha roobabka toddobaadka soo socda 18 April ilaa 24 April, sida jaantuska tilmaamayo ayaa muujinaya fursadaha roobab badan oo ka da’a dabayaaqada toddobaadkan Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya & deegaamda sarreeya ee Itoobiya.

Si kastaba, Saadaasha ay hay’adda Cuntada Aduunka (FAO) bixisay, ayaa yididiilo wanaagsan muujinaysa, waxaana loo baahan yahay in bulshada Somaliland ka faa’iidaystaan weeleynta raxmaadka Alle, una samaystaan keydad taasoo wax badan ka tari doonta dhinaca biyo-yaraanta dalka iyo dhigaalka dhaqaalaha kaga baxa bulshadeena helitaanka biyaha.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this