Sign in to follow this  
Deeq A.

Ma Somaliland Ayuu Jawaab U Yahay Heshiiska Masar Iyo Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa Khamiistii kula kulmay Magaalada Qaahira dhiggiisa Masar Mudane Sameh Shoukry. kulamada oo lagaga hadlay arrimo la xidhiidha iskaashiga labada dal ayaa lagu sheegay in is faham wanaagsan laga gaadhay.

02-2.png

Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

Heshiisyada Soomaaliya iyo Masar ayaa imanaya kadib markii dhammaadkii bishii hore wefti sare oo ka socda wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland marti qaad ka helay Masar, islamarkaana kulamo la qaatay madax sarsare oo wasaaradda arrimaha dibadda ah iyo gaashaandhigga.

Xidhiidhka u bilawday Somaliland iyo Masar ayay saxaafadda Masar qaarkeed ku tilmaantay mid siyaasi ah oo ku lug leh isbedellada ka socda Geeska gaar ahaana xurgufta Masar iyo Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this