Sign in to follow this  
Deeq A.

Wariye Cabdimaalik Coldoon Oo Saaka Maxkamad La Soo Taagay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon, ayaa maanta lasoo taagey maxkamadda gobolka Maroodijeex ee Hargeysa, hase ahaatee guddoomiyaha maxkamadda ayaa ciidankii soo qabtay ku yidhi dib ugu celiya gobolkiisii Togdheer – sida ay sheegeen ehelladiisu.

coldoon.jpg

Sidoo kale, guddoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodijeex waxaa uu ciidanka waydiiyay in ay haystaan waaran qabasho an, waxayna sheegeen in aanay haysan.

Guddoomiyuhu waxaa kale oo uu ciidankii soo qabtay Wariye Coldoon ku amray in ay goob caafimaad geeyaan maadaama dhaawacyo kala duwan ay soo gaadheen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this