Sign in to follow this  
Deeq A.

Garowe: Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   
MARXUUM-Cabdirashiid.jpg?w=1000&ssl=1Marxuum Cabdirishiid Maxamed Xirsi

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa maanta oo sabti ah ku geeriyooday magaalada Garowe ee xrunta Puntland.

Allaha u naxariistee Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sida la sheegay waxaa ku soo booday xanuun de deg ah, kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday.

Marxuum Cabdirashiid ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013, sidoo kale wuxuu Wasiirada Howlaha guud iyo Kulluumeysiga Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018.

Marxuum Cabdirashiid ayaa Aas qaran loogu sameyn doonaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Bahda PUNTLNAD POST waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii, geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxaristee Cabdirashiid Maxamed Xirsi, oo magac iyo maamuus weyn ku lahaa Puntland iyo Soomaali weynba.

PUNTLAND POST

The post Garowe: Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyooday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this