Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig ciidamada Ethiopia & DF ku leeyihiin GEDO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar xubno ka tirsan Al Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Ethiopia iyo kuwa dowladda Soomaaliya ku leeyihiin degmada Garbahaareey ee gobolka Gedo.

Weerarka ayaa ka dambeeyay markii ururka Al Shabaab ay xalay weerareen saldhig ciidamada isbaheysanaya ku leeyihiin degmada, waxaana la sheegay in muddo uu dagaal halkaasi ka socday.

Saldhiga oo ku yaala dhanka Koofureed ee magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamo Ethiopian ah iyo kuwa dowladda Soomaaliya, waxaana muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada ka jiray cabsi ku aadan weerarka Al Shabaab.

Saraakiil u hadashay ciidamada dowladda ayaa sheegay in weerarka oo ahaa mid gaadmo ah ay iska caabiyeen Al shabaab, islamarkaana ay dib u riixeen, iyaga oo sheegay inay khasaaro gaarsiiyeen.

Kadib weerarka ciidamada Ethiopia ayaa la sheegay inay madaafiic ku garaaceen deegaano ku dhow degmada Garbahaareey iyo duleedka magaalada, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan, sida dadka deegaanka ay sheegeen.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karto khasaaraha guud ee ka dhashay weerarkii xalay ka dhacay degmada Garbahaareey, balse saraakiisha ciidamada dowladda ayaa guulo ka sheegtay weerarka.

Ma jiro war dhanka Al Shabaab kasoo baxay, balse Al Shabaab ayaa inta badan weerara saldhigyada ciidamada AMISOM kuleeyihiin dalka iyo xarumaha ciidamada dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada.

Caasimada Online
Xafiiska Gedo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this