Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabsi laga qabo inay Al-Shabaab soo weeraraan Farmaajo oo loo sheegay inuu safar aan jirin ku aaday Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa Maanta sameysay marin habaabin dhanka Saxaafadda ah kadib markii ay Suxufiyiinta u sheegtay inuu Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u baxay dalka Sacuudiga.

Suxufiyiinta ayaa loo sheegay inuu Madaxweynaha ku sugan yahay Garoonka DIyaaradaha Aadan Cadde isla markaasna uu socdaal u yahay dalka Sacuudiga, balse arrintaas waxay aheyd mid laga lahaa ujeedo qarsoon.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayuu qorshuhu ahaa inuu Aado deegaanka Sabiib ee duleedka Afgooye halkaasoo todobaadyo ka hor la wareegeen ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan Guutada Kumaandooska.

Sababo amni iyo Cabsi laga qabo inay Kooxda AL-Shabaab usi diyaar garowdo imaanshiyaha Madaxweyne Farmaajo ayaa keentay inaan safarkaas saxaafadda lala wadaagin isla markaasna lagu qiyaano inuu Madaxweynaha u safray Dalka Sacuudiga.

Hase ahaatee Madaxweynuhu waxaa uu maanta Garoonka diyaaradaha Muqdisho kula kulmay Wasiiru dowlaha Sacuudiga u qaabilsan arrimaha Afrika oo saacad ku sugnaa garoonka, waxaa uu Wasiiru dowlaha safaro ku marayaa wadamada Gobolka Geeska Afrika.

Axmed Kattan ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriin uu kaga siday Boqorka Sacuudiga oo ah martiqaad shir ka dhacaya Sacuudiga Ramadaan kaddib

Markaas kadib Sida wararku sheegayaan Madaxweynaha ayaa diyaarad Helicopter ku duulay isagoo  tagay deegaanka Sabiib oo Muqdisho u jira illaa 40KM.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu la kulmay Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka Kumaandooska iyo dadka deegaanka.

Farmaajo ayaa Bogaadiyay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka danab, waxaana uu ka dalbaday in ay sii waddaan howlgallo ka dhanka Al-Shabaab ee ka socda Shabeellaha Hoose.

Ciidanka Danab ayaa howlgallo xooggan ka wadda gobolka Shabeellaha Hoose, kuwaasoo lagula dagaallmaayo Al-Shabaab.

Deegaanada uu Madaxweynaha booqday ayaa ah deegaanada ay halista ugu badan ka geystaan Kooxda Al-SHabaab, waana meesha ay aadka ugu xooggan yihiin waana arrinta keentay inaan la shaacin safarka Madaxweynaha isla markaasna marin habaabin loogu sameeyey Saxaafadda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this