Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo safar deg deg uga duulay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka duulay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, isaga oo kusii jeeda magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga.

Safarka madaxweynaha waxaa qeyb ka ah wasiiro ka tirsan xukuumada Soomaaliya, waxaana safarkaan uu yahay mid deg deg madaxweynaha uu kaga baxay dalka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa safaro ku tagay dalka Sacuudiga, waxaana uu kulamo kala duwan la qaatay madaxda Boqortooyada Sacuudiga, isaga oo balanqaadyo badan ka helay.

Safarka maanta uu madaxweynaha uu ugu baxay Sacuudiga ayaanan horey loo shaacin, waxaana la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii casuumaad deg deg ah uu ka helay boqortooyada Sacuudiga.

Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo ayaa culeesyo badan oo dhaqaalo iyo mid bulsho dareentay bilihii ugu dambeeyay, waxaana culeeska ugu badan uu kala kulmayaa xubnaha mucaaradaka dowladda.

Dowladda Sacuudiga ayaa taageero badan u fidisay dowladda Soomaaliya, balse xiriirka ayaa xumaaday markii khilaaf uu soo kala dhex galay madaxda Carabta.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this