Sign in to follow this  
Deeq A.

Alshabaab oo Wiil Dhalinyaro ah ku Xukumay Gobolka Baay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Baay (SMN):–Maxkamadda Xarakada Alshabaab ee Deegaanada ay kaga sugan yihiin Gobolada  Baay iyo Bakool ayaa xukun ku fulisay Ruux ay Maxkamadu ku eedeysay in uu kufsi ugeystay qof dumar ah.

Fagaare kuyaal deegaanka Dalandoolle ee gobolka Baay ayaa shalay gelinkii dambe lagu Tacziiray wiil 16 sana jir ah oo lagu magacaabo Ibraahim Nuuroow Isxaaq.

Qaadiga Maxkamadda oo xukunka goob fagaare ah ka akhrinayay ayaa sheegay in Ibraahim oo aan horay guur soomarin uu kufsaday mid kamida dumarka ku dhaqan deegaanka Dalandoole.

Ninkanay Alshabaabku ku eedeyeen  falka Zinada ah ayaa lagu dhuftay 100 Jeydal waxaana laga masaafuriyay deegaankii uu falka Zinada ah ka geystay.

Maxkamadaha Alshabaab ayaa inta badan Xukuno kala duwan ku fuliya dad ay usoo qabtaan eedeymo kala duwan, iyagoo inta badan Xukunadaasi ku fuliya goobo fagaare ah oo la iskugu keeno Dadweyne farabadan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this