Deeq A. Posted April 19, 2019 Muhaajiriintii shalay la celiyay 18 April 2019 Boosaaso Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa shalay dib u celisay in ka badan 50 ruux oo muhaajiriin Ethiopian ah, kadib markii ay iskood isu’ diiwaan-geliyeen in dalkooda lagu celiyo. Dadkan ayaa laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Boosaaso, waxaana laga dejiyay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha Puntland. Wasaaradda ayaa sheegtay in dadkan oo ka koobnaa rag, dumar iyo carruur, la mariyay nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta muhaajiriinta, islamarkaana ay dhammaantood raalli ku ahaayeen in dalkooda loo celiyo. Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soogalootiga Ethiopian-ka ee u badan qowmiyadda Oromada, balse dhinaca kale muhaajiriinta Oromada ayaa weli ku soo qul-qulaya gudaha Puntland. PUNTLAND POST The post Puntland oo dib u celisay muhaajiriin Ethiopian ah appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites