Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad ku Eedaysan Gubitaankii Axmed Dowlo oo Maxkamad lasoo taagey

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa shalay u fadhiisatay dacwad ay horgeysay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, kaasi oo ku saabsan Dawaddii Marxuum Axmed Muqtar (Axmed Dowle).

Warkaan oo ay heshay Shabelle ayaa sheegaya in uu qabsoomay dhageysiga 1aad ee dacwadda Marxuum Axmed Muqtaar (Axmed Dowle) kaasoo lagu gubay Degmada Yaaqshid taariikhdu markay aheyd 20.9 .2018-kii, waxaana Dacwadaan u eedeysan todobo Ruux , iyadoo seddax ka mid ahna la soo qabtay taariikhdu marki ay ahayd 21.09.2018-ki, halka seddax kale oo ku eedeysan dacwadan la soo qabtay 17.10.2018-kii, halka eedeysaneha todobaad uu yahay maqane.

Markii dacwadda la guda galay waxaa caddeymo iyo maragyo soo gudbiayay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

Dood dheer kadib Maxkamadda ayaa go’aamisay in fadhi kale la isugu yimaado maalinta arbacada ah taariikhdu ay ku beegan tahay 24.04.2019-ka, si dacwadu u sii socoto.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this