Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraadka oo si qarsoodiya u kulansiinaya Biixi iyo Deni!

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta u dhoofay waddanka Imaaraadka Carabta, xilli madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni uu dalkaasi safar ku joogo.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, yaasiin Xaaji Maxamuud Xiin (Faratoon), oo saxaafadda uga warbixinayey ujeedka safarka madaxweynaha Somaliland ee dalka Imaaraatiga, ayaa sheegay in socdaalkiisu ku saabsanyahay,  xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo UAE, isagoo xusay in uu yahay safar gaaban oo maalin ama laba maalmood qaadan doona.

Dhinaca kale, ilo’ warkooda lagu kalsoonaan karo, ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in madaxweynaha Puntland oo shalay tegi lahaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, uu safarkaasi ka baaqday, kadib markii dowladda UAE ku wargelisay in Muuse Biixi aqblay qorshe ay dabada ka riixayso Imaaraatigu oo si toos ah loogu wada-hadalsiinayo Deni iyo Biixi.

Dowladda Imaaraadka Carabta oo maalmihii la soo dhaafay diyaarinaysay qorshahan, ayaa si deg dega ugu yeertay madaxweynaha Somaliland, halka madaxweynaha Puntland ay ka dalbatay in uu ka baaqdo safar uu Arbacadii ku tegi lahaa magaalada Nairobi, halkaasi oo uu kulan kula qaadan lahaaa wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Xubno si hoose ula socdan warkan, ayaa Puntland Post ka xigatay in Deni iyo Biixi ay caawo kulan qarsoodiya ku yeelan doonaan gudaha Imaaraadka Carabta, inkastoo aan la ogayn magaalada ay ku kulmayaan iyo waxa ay ka wada-hadlayaan midna.

Sidoo kale, madaxweynaha Puntland ayaa hore uga baaqday socdaal uu ugu sii gudbi lahaa dalka Shiinaha, kaasi oo salka ku hayey dhinaca mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha, gaar ahaanna waddooyin laamiya oo shirkadda CCECC ee Shiinaha ay ka hirgelin lahayd Puntland.

Xogtan wixii ka soo kordha kala soco Puntland Post

The post Imaaraadka oo si qarsoodiya u kulansiinaya Biixi iyo Deni! appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this