Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Magaalada Marka oo walaac ka muujiyay Go’doon ay ku jirto Magaaladaasi.

Recommended Posts

Deeq A.   

Marka ( Sh.M.Network):-Guddoomiyaha Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose Cabdullaahi Waafow ayaa walaac ka muujiyay wax uu ku sheegay Go’doon ay ku  jirto Magaaladaasi.

Mar Waafow ayaa hoosta ka xariiqay in waddooyinka soo gala Magaalada Marka ay jareen Dhaqdhaqaaqa Al Shabaab , sidaas daraadeedna ay dowladdu wax ka qabato arrintaasi.

Waxa uu xusay Guddoomiye Waafow  in go’doonka saaran Magaalada Marka ay saameyn ku yeesheen dhaqdhaqaaqii Guud ee Magaaladaasi.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaalia ayaa kol hore la wareegay gacan ku heynta Magaaladaasi Marka kadib markii laga saaray dagaalamayaasha Al Shabaab ee halkaas ka arriminayay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this