Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo Digniin u jeediyey Ardeyda iyo Waalidiinta Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN):-Cabdulaahi Goodax Barre oo ka hadlayey arrimo ku saabsan Imtixaanka Shahaadiga ah ee Wasaaradu ay qaado ayaa ugu baaqay Waalidiinta iyo Ardeyda wax ka barata Deeganada Maamulka Puntland in ay ka fiirsadaan Go’aan ay gaartay Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo ah in aysan shaqo ku lahayn Imtixaanka Shahaadiga ah ee Soomaalaiya.

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo Sanadihii Lasoo dhaafey qaadaysay Imtixaanadka Shahaadiga ah ayaa waxaa ka maqnaa Ardeyda wax kabarata Puntland, Marka laga yimaado Somaliland oo iyadu sheegata Dal Madaxbanaan.

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Mudane Cabdulaahi Goodax Barre ayaa Yiri ‘’ Ardeyda Puntland iyo Waalidiintood waxaan u sheegaynaa in ay kasoo qayb galaan Imtixaanka Shahaadiga ah, hadii kale iyaga ayaa qaadanaya wixii ka yimaada Xaq ma ahan in hadhow ay isku Xaquuq noqdaan Arday Imtixaan galay iyo Ardey aan meeshaba Joogin’’.

Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa ka falceliyey hadalka Wasiir Goodax, waxa ayna u muuqden kuwo ka xun sida ay Go’aanka u qaadatay Wasaarada Waxbarashada Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this