Sign in to follow this  
Deeq A.

Ammaanka Muqdisho oo si weyn loo adkeeyay.

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamo fara badan ayaa maanta  la soo dhigay  waddooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka hortagaya dibadbaxyo la sheegay in la doonayo in lagu qal qal galiyo shacabka iyo Isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Dhinaca kale Saraakiisha Ammaanka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay dibadbaxyo rabshado wato oo shaqsiyaad ay ka maleegayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Bashiir America ayaa sheegay in aysan sharci ahayn Dibadbax aan lala soo socodsiin laamaha Ammaanka oo lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dibadbaxyada la sheegay in lagu qal qal galinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this