Deeq A. Posted April 18, 2019 Muqdisho ( Sh.M.Network):-Ciidamo fara badan ayaa maanta la soo dhigay waddooyinka Magaalada Muqdisho kuwaas oo ka hortagaya dibadbaxyo la sheegay in la doonayo in lagu qal qal galiyo shacabka iyo Isku socodka dadka iyo Gaadiidka. Dhinaca kale Saraakiisha Ammaanka iyo Culimada Soomaaliyeed ayaa ka digay dibadbaxyo rabshado wato oo shaqsiyaad ay ka maleegayaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneral Bashiir America ayaa sheegay in aysan sharci ahayn Dibadbax aan lala soo socodsiin laamaha Ammaanka oo lagu qabto Magaalada Muqdisho. Dowlado shisheeye iyo Siyaasiyiin mucaarad ah ayaa horay loogu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin dibadbaxyada la sheegay in lagu qal qal galinayo Ammaanka Magaalada Muqdisho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites