Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab “Ciidamo ka tirsan Dowladda oo Mushaar la’aan qabsatay ayaa nagu soo biiraay”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab ayaa shaaciyay in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen, kadib markii ciidamadaasi ay mushaar la’aan ku dhacday.

Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamadii ugu badnaa oo ka tirsanaa dowladda Soomaaliya ay isku dhiibeen tan iyo markii ay soo baxday cabashada la xiriirta mushaar la’aanta ciidamada dowladda.

Al Shabaab ayaa sheegay in ciidamada dowladda ee ku biiray dhankooda ay ku sugnaayeen gobolka Gedo, waxaana la sheegay inay ahaayeen ciidamo Mushaar la’aan ka cabanayay.

Ku dhawaad 16 askari ayay sheegeen inay isku dhiibeen ciidamada Al Shabaab, waxaana warbixinta lagu sheegay inay ka baxeen difaacii ay ku sugnaayeen oo ku yaala degmooyinka Garbahaarey,Baardheere iyo Ceelwaaq.

Sidoo kale Al Shabaab ayaa sheegay in shan askari oo kale oo ka tirsan ciidamada xooga dalka ay iska dhiibeen degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, waxaana ciidamadaasi ay ka tirsanaa kuwa gobolka Hiiraan.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray gadood ay sameynayeen ciidamada xooga dalka, kuwaasi oo ka cabanayay mushaar la’aan soo wajahday muddo afar bilood, waxaana ka dhashay arintaasi xasarad maalmo taagneyd.

Marka laga yimaado sheegashada Al Shabaab ee ku aadan inay isku dhibeen ku dhawaad 20 askari ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka maamulka gobolada Hiiraan iyo Gedo oo ku aadan in ciidamada ku biireen Al SHabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this