Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Amniga Burco Oo Xabsiga U Taxaabay Wariye Cabdimaalik Coldoon

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Burco)-Ciidanka amniga magaaladda Burco ayaa xalay xabsiga u taxaabay wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo mudaba la raadinayey.

2019418636911527171976909cabdimaalig.jpg

Sida wararku sheegayaan waaranka qabashada wariye Coldoona ayaa diyaar ahaa,isla markaana waxa lagu qabtay magaaladda, inkastoo isku dayey inuu ciidanka ka baxsado ugu dambayn waa la qabtay.


Coldoon ayaa marar badan sheegay in lala maagan yahay in la xidho, waxaanu waayadii u dambeeyey ku sugnaa deegaana Soomaalida Itoobiya oo uu cabsi awgeed halkaasi u joogay.

Sida wararka aanu ka helayno ciidanka amniga ayaa sheegaya inuu baryahan dambe hadal iyo qoraal ka dhan ah xukuumada ku weerari jirey, isla markaana bartiisa baraha bulshada uu ku leeyahay ku qori jirey taliska Muuse Biixi, taas oo xukuumaduna ay dhibsatay sababna u ah xadhigiisa sida ilo wareedka ka helayo xukuumaddu sheegayaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this