Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Geedi “Al Shabaab Ismiidaamin kaliya ayay sameeyaan laakiin qaraxyada kale iyaga ma fuliyaan”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladdii KMG aheyd Cali Maxamed Geedi oo kamid ah siyaasiyiinta taageera dowladda Soomaaliya ayaa si cajiib ah kaga hadlay qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho.

Cali Maxamed Geedi,ayaa sheegay in Al Shabaab ay kaliya ka dambeeyaan qaraxyada ismiidaaminta ah ee ka dhaca magaalada Muqdisho, balse waxii kasoo haraa inay yihiin kuwo dad kale ay abaabulaan.

Wuxuu sidoo kale sheegay in qaraxyada ka dhaca magaalada Muqdisho ay wajiyo badan yihiin, isagoo taasi kala jeeday in Al Shabaab kaliya aysan ka dambeyn dilalka iyo qaraxyada ka dhacayay Muqdisho.

Waxaa uu Cali Geeddi sheegay in weerarradaas aysan kaliya ka dambeyn Al-shabaab sidoo kalena ay ku lug leeyihiin dad dano gaar ah leh oo ka horjeeda dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Cali Maxamed Geeddi ayaa sheegay in Al-shabaab lagu yaqaanno weerarrada ismiidaaminta ah maaddaama ay iyagu dhimasha uun u soo baxaan, laakiin gaadiidka la dhigo goobaha ganacsiga ayuu sheegay in dano kale laga leeyahay.

Waxaa kale oo uu sheegay in qaraxyada ka dhaca Muqdisho ee ka dhasha qaraxyada lagu xiro Gawaarida gaarka loo leeyahay ay ka dambeeyaan dano siyaasadeed oo aysan Al-shabaab shaqo ku lahayn.

Hadalka Cali Geedi ayaa kusoo aadaya iyadoo shalay labo qaraxyo ay ka dhaceen magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this