Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo aad u hubeeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo aad u hubeeysan oo katirsan kuwa Booliska ayaa saakay la soo dhigay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Wadooyinka Makka Al Mukarama wadnaha iyo sodonka ayaa lagu arkayaa ciidamadaan oo aad u hubeeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadaan ayaa si feejigan uula socdo dhaq dhaqaaqa dadka xili maanta laga cabsi qabo in ay dibad baxyo dhacaan.

Qaar kamid ah wadooyinkaasi oo aan soo maray majirin xanibaad isku socodka gaadiidka iyo dadka marka laga reebo wadooyinkii hore xirnaa oo wali sidoodii u xiran.

Baraha bulshada ayaa waxaa ka soconayay iclaaminta dibadbaxyo looga soo horjeedo dowlada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Ciidamo aad u hubeeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this