Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexad weyn: Mashruuc & Wershad Saylaci dhagaxdhigay Dhowaan oo La Sheegay Inay Sifeynayso Shidaalka oo Noqotay Mid Bug ah 

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadeexad: Mashruuc & Wershad Saylaci dhagaxdhigay Dhowaan oo La Sheegay Inay Sifeynayso Shidaalka oo Noqotay Mid Bug ah

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, waxaa uu 10kii bishan April, ka dhagax-dhigay magaalada Berbera warshed uu sheegay in ay sifeynayso shidaalka qaydhin oo Somaliland la keeni doono.

Saylici iyo mas’uuliyiintii kale ee la socdayba waxay ku tilmaameen mashruucan, kii ugu ballaadhnaa ee abid laga fuliyo Somaliland.

Shirkadda mashruucan ballaadhan fulineysa oo la yidhaahdo “Singapore New Silk Energy PTE LTD” ayaa cimrigoodu uu dhan yahay hal sano, iyadoo laga aas-aasay dalka Singapore bishii March ee 2018kii.

Lama yaqaanno meel ay shirkaddani horey shaqo uga soo qabatay.

Wasaaradda horumarinta maalgashiga Somaliland, ayaa sannadkii hore heshiis hal bilyan oo doollar ah la gashay baanki ay sheegtay in laga leeyahay dalka China, balse markii dambe noqday Bangi aan jirin.

saylaci.jpg
Hoos ka daalaco Macluumaadka Shirkada Saylaci:-
wer1.jpg

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this