Deeq A. Posted April 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qaraxa xoogan oo goor dhow ka dhacay isgosyka Dabka ee magaalada Muqdisho. Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa in uu ahaa mid ka dhashay gaari, kaas oo ku qarxay agagaarka saldhigga degmada Booliska Waabari ee G/Banaadir. Khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, waxaana haatan socda gurmad ay fidinayaan gaadiidka Ambalaasta. Waa qaraxii labaad oo magaalada Muqdisho ka dhacaya, iyadoona barqanimadii hore ee maanta gaari uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug uu ku qarxay agagaarka Isgoyska shaqaalaha dhanka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. View the full article Share this post Link to post Share on other sites