Deeq A. Posted April 17, 2019 Muqdisho (SMN) – Faah faahinno kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo barqanimadii maanta ka dhacay waddada Makka Al- Makarrama ee M/ Muqdisho. Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa mid lagu soo xiray gaari nuuca raaxada ah oo yiillay inta u dhexeysa isgoyska Shaqaalaha iyo Xaaji Baasto ee degmada Hodan. Wararka qaar ayaa sheegay in gaariga uu lahaa taliyaha nabad sugida qeybta Galmudug Cabdi Dheere, kaasi oo la sheegay in qaraxa uu ka badbaaday. Khasaare hantiyadeed ayaa ka dhashay qaraxani, waxaana uu saameeyay labo gaari iyo dhismo ka agdhawaa meesha ay wax ka dhaceen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa gaaray goobta, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyay dhaq dhaqaaqa waddadaasi. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga ee dowladda Soomaaliya. Qaraxan ayaa qeyb ka noqonaya falal lidi ku ah nabad galyada ah oo maalmihii dambe ka dhacayay Muqdisho oo ay howlagllo ka wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. View the full article Share this post Link to post Share on other sites