Deeq A. Posted April 17, 2019 Kismaayo (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya saacadihii la soo dhaafay lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa mid xooagn ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday kolonyo ay wateen Ciidankaasi, xilli ay marayeen deegaanka Madharaan oo u dhexeeya jaziiradaha Raas-Kaanbooni iyo Buur Gaabo ee gobolkaasi. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxan, walow aan si arsmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Al Shabaab oo sheegtay massuliyadda qaraxaasi ayaa baahiyay in ay ku dileen illaa 15 Askari, kuna dhaawaceen tiro intaasi ka badan. Sidoo kale Al Shabaab aya sheegay in meydadka iyo dhaawaca Askartaasi lagu qaaday diyaarad Helicopter ah, loona duuliyay gudaha dalka Kenya. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay taliska AMISOM, gaar ahaan Ciidamada Kenya oo ku aadan weerarkaasi. Inta badan dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab ayaa weeraro gaadma ah ka fuliya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee maamulka Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites