Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukumada Muuse Biixi & Xubno ka mida Gudida Qandaraasyada oo faafinaya Dacaayado Buga

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirkii hore ee Maaliyada Xukumada Muuse Biixi & Xubno ka mid ah Gudida Qandaraasyada oo faafinaya Dacaayado Buga

baarcad.png

Sida ilo xogogaal ahi u soo dusiyeen Warbaahinta, Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada Somaliland ee Muuse Biixi eryay dhawaan Yusuf Maxamed Cabdi,Hadeerna ah Mulkiilaha shirkad dhawaan la unkay,Magaceedana lagu sheegay SAAB oo Usbuucii ina dhaafay lagaga guulaystay Tartan Shirkado badani u galeen Qandaraaska Timirta Bisha Ramadaan la siiyo Ciidamada Somaliland ayaa u soo tafaxaytay,Geed gaaban & Mid dheerna u fuulay faafinta Dacaayado raqiisa oo uu ku baahiyey intooda badan Baraha bulshada & Wesbite-yada,isagoo qasdigiisu yahay inuu xajiimeeyo oo keliya Sumcada shirkadii Tartanka Qandaraaska Timirta kaga adkaatey ee Gudida qandaraasyadu ku dhawaaqeen oo Magaceeda la yidhaahdo Kaarshe Stores.

 

Ex-Wasiir Yuusuf ayey weli ka daadegi leedahay in tartanka Qandaraaska Timirta laga helay oo Ganacsade kale nasiibsaday maadaba uu aaminsan yahay inuu Xisbiga Kulmiye miisan ku leeyahay, ahaydna in mudnaanta Qandaraaska la siiyo,oo Shirkadiisa laga fuudh yeelo,Qadiyadaas ayaana ku dhalisay inuu Dacaayado Buga & Xagxagasho bilaabo,oo  goor xeedho iyo Fandhaal kala dhaceen oo tartankii lagu kala nasiib qaaday oo shirkadiisii hadhay soo hanbaabiro.

Ex-wasiir Yuusuf oo ku gaashamaan laba xubnood oo ka tirsan Gudida Qandaraasyada oo si hoose ula shaqeynaayey,xoggo badana u soo dusiyey intii Tartanka Qaradaraasku socday Magacyadoodana lagu sheegay Maxamuud Maal & Maxamed Baarcad Taysa ayaa si toosa iyo si dadbanba u faafinaya Brobogaandooyin wax u dhimaya shirkadiisa,iyagaoo Qoraalo Cinwaanadooda Rasmiga ah ku xardhan yihiin u soo diray Website-yada,aadna u dhaadaneyn  Cawaaqibkay ku yeelan karto Xubinimadooda Gudida iyo magaca Shirkada uu Yuusuf Budhtuurka u yahay balse Qasdigooda fogi tahay dhadhamo ,haddii la waayana inay xagxagtaan shirkada Ka heshay Tartanka Qandaraaska Timirta.

Geesta kalena Ex-wasiir Yusuf wuxu weli ku doodayaa inuu xaq u lahaa Qandaraaska in la siiyo balse ay Gudida qandaraasyada Qaranku ka eexdeen oo lixdan kun ($60.000) oo Dollar oo laaluush ah qaateen,Ku darsoo Wuxuu si gaara u bartilmaameedsaday Gudoomiyaha Shirkada Daabacada Sagal jet oo uu sheegay inuu Saami ku leeyahay Shirkada Kaarshe Stores ee kaga guulaysatey Tartanka Qandaraaska Timirta,kaas oo uu ku eedeeyay inuu fududeeyay Helitaanka Qandaraaska,Ha yeeshee Doodiisa la xaqiijiyey inay tahay Mid jaban oo aan sal iyo Raad toona lahayn,Ku darsoo Gudoomiyaha Sagal jet-na waxba ku lahayn Shirkada Kaarshe Stores ee Heshay Qandaraaska Timirta.

Isku soo wada Duuboo Ex-wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi oo Markii uu ku fashilmey Xilkii Wasiirnimo ee Wasaarada Maaliyada la eryay ayaa hantidii uu ka urursaday Xilligii uu wasiirka ahaa ku sameytay Bakhaaro iyo Shirkado Qandaraaslayaalla oo ay ka mid tahay Tan “SAAB” ee tartanka laga adkaaday ayaa Dacaayado raqiisa Ganbadh Gaaban ugu soo fadhiistay Shirkada Kaarshe Stores oo Qandaraaska Timirta kaga guulasatey,Shirkadan ayaa dhawr jeer oo hore ku guulaysatey Qandaraaskan Timirta, islamarkaana si caadiya uga ganacsata, lagu yaqaana Soo dejinta Timirta halka shirkadan Ex-Wasiir Yuusuf mulkiilaha ka yahay qasdigeedu yahay inay hesho Qandaraas laga helo Macaash buuran ,Magaca kulmiyena lagu dagaal galo.

Guntii & Gebagebadii Ex-wasiir Yuusuf ayaa Sida xogguhu tibaxayaan Gudoomiynimada Shirkadiisa SAAB u igmaday Shaqsi kale Balse isagu daaha dabadiisa ka hagaaya si uu u xagxagto cid kasta oo Qandaraas ka hesha.

Halkan ka Daawo sidii Qandaraaska Timirta loogu kala guulaystay:-

NB.Dhawaan Filo xoggo Muujinaya Xubno ka mida Gudida Qandaraasyada oo faafinaya Dacaaydo Gudigooda wax u dhimaya

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this