Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo isbaaro dhigtay waddo muhiim oo looga adkaaday DF Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa Bar-Kontarool oo lacag lagu qaado soo dhigtay laba degaan oo ku yaala duleedka degmada Balcad ee Gobalka Shabeelada dhexe kadib markii ay ka go’een Mas’uuliyiinta HirShabeelle iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

Degaanada Al-Shabaab ay ku qaadaan Lacagta islamarkaana ay ku baaraan dadka iyo Gaadiidka ayaa kala ah Ilbaq iyo Qalimow waxayna ku yaalaan inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobalka Shabeelada Dhexe.

Dad shacab ah oo ku soo safray wadadaasi ayaa Caasimada Online u sheegay in Al-shabaab ay lacag dhan 100 kun oo Shilin Soomaali ah ka qaadaan Gaadiidka isaga Gudba Shabeelada dhexe iyo Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa baara dadka gaadiidka saaran iyagoo weydiiya su’aalo ku saabsan hadii ay arkeen Askar Ciidamada katirsan iyo Shaqaalaha Dowladda ama kuwa HirShabeelle.

Degaanada ay Al-shabaab soo dageen Islamarkaana ay lacagta ku qaadaan ayaa hore waxa Al-shabaab uga fuliyeen Weeraro badan oo ay ku dhinteen Askar, Xildhibaan iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan HirShabeelle.

Arintaan ayaa u muuqata in Dowladda Soomaaliya looga adkaaday inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar. Ciidamada Dowladda iyo Mas’uuliyiinta HirShabeelle ayaa marin ka dhigtay wadada marta dhulka Xeebta ah ee Shabeelada dhexe halka qaar kalane ay raacaan diyaarad todobaadkiiba 2 mar ka baxda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this